Golaha Wasiirada Somalia oo yeeshay kulan looga hadlay qodobo muhiim ah (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirada ee tubta horumarinta dhaqaalaha oo looga hadlay qorshaha dawladda Soomaaliya ay ugu diyaar garoobayso ka qayb galka shirka sannadlaha ah ee ay wada qabanayaan Bangiga Adduunka iyo Hay’adda lacagta Aduunka (IMF).

Wasiirka maaliyadda XFS, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, oo ka war bixiyay kulanka maanta ayaa sheegay in shirka looga dooday wixii Soomaaliya uga qabsoomay shuruudihii lagu xiray cafinta daymaha lagu leeyahay dalka oo gebegeba maraya, falanqayn kadibna Ra’iisul Wasaaruhu uu amray dhammaan wasaaradaha in maalmaha ka dhiman bishaan March ay ku gunaanadaan buuxinta shuruudaha si shirka Washington ee horraanta bisha April ee sannadkaan ay uga qayb gasho dawladdu iyada oo buuxisay dhammaan shuruudihii ku xirnaa cafinta daymaha.

Shirka April ay Washington ku wada qabanayaan Bangiga Adduunka iyo Hay’adda lacagta Aduunka (IMF), ayaa waxaa kasoo qayb gelaya dhammaan dawladaha daynta ku leh Soomaaliya, waxa ayna dhagaysanayaan warbixinnada Bangiga adduunka, IMF, Midawga Yurub iyo deeq-bixiyayaashu ka gudbinayaan hannaanka ay Soomaaliya usoo buuxisay shuruudihii lagu xiray, ayna waddamadu ku qaadan doonaan go’aan la xariira qorsha ay dalka uga cafinayaan daymaha ay ku leeyihiin.

Wasiirka maaliyadda XFS, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa rajeeyay in shirkaas kadib Soomaaliya laga cafin doono daymaha, loona furi doono dhaqaalaha adduunka arrintaas oo horseedaysa horumarka dalka

Wasiirka Maaliyadda oo sheegay in horumarka dalku uu yahay hadaf guud oo ka dhexeeya shacabka, ganacsatada iyo dawladda, ayna wada ilaashanayaan, ayaa caddeeyay in uu sii socon doono dawlad wanaagga ay dawladdu waddo, waxa uuna dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay qaataan qaybta kaga aadan oo ay canshuurta bixiyaan dawladana kula xisaabtamaan waxa ay qabato iyo maamulka maaliyadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -