Ma dhab baa in la sii daayey qaar ka mid ah raggii loo heystay dilka Caa’isha Ilyaas?

Ciidamada amniga Puntland ayaa lagu eedeeyey inay sii daayeen saddex ka mid ah shan nin oo si weyn loogu tuhunsanaa iney kufsi iyo dil isugu dareen Caa’isha Ilyaas Aadan oo ahayd Gabar 12 jir ah.

Xubno ka tirsan qoyska Caa’isha ayaa sheegay in ciidamadan oo gacanta ku hayey kiiska baaritaanka raggii loo heystay falkii Caa’isha lagula kacay ay awood u yeelan waayeen inay Maxkamad hor keenaan raggan culaysyo ay kala kulmeen beelaha ay u dhasheen awgood.

Ehelada ay ka dhalatay Caa’isha ayaa shabakada Allbanaadir.com u sheegay in Maaamulka Puntland uu horay ugu war-galiyey in Kiiskaas loo xiray shan ruux cadaymo dhamaystirana loo hayo, balse waxay xuseen iney ka war heleen in hadda kiiskaas la hayo labo ruux oo kaliya kuwii kalena la sii daayey.

Mid ka mid ah wiilasha la dhashay Gabadha la dhibaateeyey ayaa sheegay in ragga loo heystay kiiska walaashii si bareer ah loo sii daayey, iyadoo aan faahfaahin laga siinin sababta, waxaana uu xusay in Saraakiisha ciidamada kiiska gacanta ku haya ay isku jufo hoosaad yihiin qaar ka mid ah ragga lagu tuhunsan yahay dilka Caa’isha sidaas daraadeedna ay u musuqeen kiiskaas, xabsigana kaga fasaxeen 3 ka mid ah tuhunsaneyaasha.

Aabaha dhalay Gabadha la dhibaateeyey Ilyaas Aadan ayaa horay wacad ugu maray inuusan wax wada hadal iyo gorgortan ah ka galaynin kiiska Gabadhiisa uuna ku qancayo oo kaliya xukunka shareecada islaamku qabto.

Maamulka Puntland ayaan ka hadlin eedeyntan la xiriirta iney sii daayeen qaar ka mid ah raggii lagu tuhunsanaa kiiska Caa’isha.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa isha ku haya sida Puntland ku xalin doonto dhacdadii foosha xumayd ee loo gaystay  Caa’isha, iyadoo walaac laga muujinayo sida ay hadda wax u socdaan.

Maxkamad ku taalla magaalada Garoowe ayaa horay xukun dil ah ugu xukuntay 5 eedaysane oo loo haystay kufsi ay ka gaysteen Magaalada Gaalkacyo, balse wali lama fulin xukunkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

 

- Advertisement -