Ciidamada Puntland oo isaga baxay Aag ay kaga sugnaayeen Galgala iyo Sababta keentay

Cutubyo katirsan  ciidanka Daraawiishta maamulka Puntland ayaa maanta isaga baxay fariisimo muhiim ah ay kaga sugnaayeen deegaanka buuraleyda Galgala ee katirsan gobolka Bari.

Ciidankan iyo gaadiidkooda dagaalka ayaa isaga soo baxay fariisimo ay kaga sugnaayeen Deegaanka Galgala, waxa ayna ciidamadan ay soo gaareen deegaan kale oo lagu magacaabo Jimbac.

Sida aan wararka ku heleyno ciidmadan aaga dagaalka isaga soo baxay ayaa ka cabanaya mushaar la’aan lasoo daristay mudo dhowr bilood ah, waxaana la sheegay in ciidankan aan cabashadooda la tixgalin.

Maamulka Puntland ayaan wali ka hadlin ciidankan kasoo baxay fariisimihii ay ku sugnaayeen, waxaana laga cabsi qabaa in sidan oo kale ciidamo kale fariisimo uga soo baxaan hadii aan cabashadooda la xalin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -