Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo lagu qabtay howlgal ka dhacay J/hoose (Magacyada)

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Kuwa Daraawiishta dawlad goboleedka Jubbaland ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay degaanno hoos yimaada degmadda Jammaame ee gobolka Jubbada hoose.

Howlgaladaan oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxay  ka dhaceen meel 10km u jirta degmada Jammaame, iyaggoo ciidanka isgarabsanaya ay jiinka webiga ka galeen degaanka Yiireey oo aan sidaa uga fogeyn degmada Jammaame.

Tiro ka mid ah xoogaga Alshabaab ayaa howl-galka lagu khaarajiyay, waxaana nolosha lagu qabtay qaar kale sida ay sheegeen saraakiisha howlgalkan hogaaminaysey.

Lix  dagaalyahan oo saddex ka mid ah ay ahaayeen Saraakiil sare ayey ciidamadu sheegeen iney ayaa laga diley Al-shabaab waxaana nolosha lagu qabtay Saddex Kale.

Saraakiisha ka tirsan Al-shabaab ee nolosha lagu qabtay ayaa magacyadooda waxaa lagu soo kala gaabiyey Cali Waraabe, Timajilic iyo Galley.

Dayuuradaha Mareykanka oo howlgalka qeyb ka ahaa ayaa duqeeyey seddex gaari oo ay Kooxda Al-shabaab gurmad ahaan u soo direen, waxaana halkaas ku basbeelay Saanad ciidan iyo raggii la socday sida ay sheegeen saraakiisha dowlada.

Degaanada hoos yimaada degmadda Jammaame, gaar ahaan kuwa saaran Jiinka Wabiga ayaa la sheegay iney weli ka socdaan howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Saraakiisha dowlada iyo kuwa Juballand ayaa sheegay  ciidamadu ay kaabiga ku hayaan degmada Jammaame oo ay doonayaan inay muddo dheer ka dib ka fara maroojiyaan Al-Shabaab.

Kama hadlin Al-shabaab warka sheegaya saraakiisha laga dilay iyo kuwa laga qabtay, mana jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya sida uu howlgalkan u dhacay iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -