Maxkamad xukuntay Haweeney Soomaali ah oo kooxda Daacish ku biiri rabtay

Haweenay Soomaali ah oo aan magaceeda la sheegin ayaa maanta Maxkamad ku taalla magaalada Oslo ee dalka Norwey waxay ku xukuntay xabsi labo sano iyo bar ah, kadib markii lagu helay danbi lagu soo eedeeyay iney ku biiri rabtay ururka Daacish.

Haweenaydan ayaa laga soo qabtay dalka Austria sanadkii 2017, iyadoo xiligaas wadatay lacag gaareyso 50.000 oo lacagta Norway ah, Iyo baasaboor la been abuuray, iyadoo Norway magangalyo ka codsatay.

Waxay Maxkamada ka sheegtay inay ku sii jeeday dalka Ethiopia, si ay u soo booqato wiil keeda ah oo qaliin marayay, Dhexdana laga soo qabtay.

Xeer ilaalinta danbiga ku soo oogtay haweenaydan soomaalida ah ayaa dhankooda ku eedeeyay inay ku sii socotay dalka Siiriya, si ay ula aqal gasho nin ka tirsanaa Daacish oo ay xiriir guur lahaayeen. Waxaana sidoo kale lagu eedeeyay inay xiriir la laheyd shaqsiyaad ka tirsan Daacish oo kunool dhowr wadan oo Yurub ah.

Maxkamada Oslo ayaa maanta haweeneydan ku xukuntay labo sano ayo bar xabsi ah, inkastoo xeer ilaalintu ay dalbatay in lagu xukumo shan sano, waana Haweenaydii ugu horeysay ee Norway dhexdeeda loogu xukumo argagaxisanimo.

- Advertisement -