Maxamed Al-Suhaimi oo Dhaliilay Qaabka loo aadaamo Salaada iyo Baaritaano ku socda

Qoraa dalka Sacuudiga u dhashay ayaa wajahaya baaritaan iyo waliba in warbaahinta oo laga joojiyo ka dib markii uu ku talobixiyay in dalka Sacuudiga ay misaajidyada ku bateen ayna sababeen in la dhibasado.

Maxamed Al-Suhaimi ayaa fikirkan jeediyey xili uu u waramayay telefishen afcarbeedka ku hadla oo isaga waraysanayay

Waxaad moodda in waxyaabo badan oo dhaqan ka ahaa dalka Sacuudiga ay sii baaba’ayaan iyadoo ninka la warreegay awoodda dalkaasi ee dhaxalsugaha ah ee Amiir Maxamed uu isku dayayo in Sacuudiga u wax badan ka badelo.

Balse aadaanka saaladda oo la dhaleeceeyo waa mid aan la dhageysan karin oo aad loola yaabo, Mohammed al-Suhaimi ayaa ah qoraa lagu yaqaano fikrado furfuran.

Qoraaga waxa uu sheegay in samaacadaha dhaadheer ee aadaanka misaajidyada aad moodo tartartan u dhaxeeya ayna tahay arin dhibaysa nolosha dadka qaasatan caruurta.

Balse hadalka ninkan ka soo yeeray ayaa dhalin kara tilaabo sharci ah oo laga qaado.

Dad badan ayaana hadalkiisa aad uga carooday waxaana baraha bulshada la soo dhigay isagoo jawaab looga dhigayo muuqaalo muujinaya wiilal yar oo salaadaha misaajida ku biiraya.

Mid ka mid ah muuqaladana waxuu muujinayaa ilmo yar oo isagoo ciyaaraya hadana maqlay aadaanka oo aamusay isagoo xurmaynaya aadaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -