Caa’isho dhimashadu naruuro iyo naxariis bay u ahayd..!!

Caasho kaliya lama kufsan, kaliya lama dilin ee noloshaa lagu silciyey. Waxaa la sheegay saaka markii lasoo tuuray ayadoo jiwaan ku jirtaa inay noolayd laakiin naf silic leh ay ku jirtay.

Bal qiyaas 24 saac oo jirdil iyo jarjarad hilibkeeda ah intee bay xanuuun martay!

Waxaa la sheegay markii saaka la keenay in indhaha mid banaanka taalay oo u muuqatay inay goor horaba laga tuuray, bal qiyaas inay ilaa shalay xanuunka ishaas la noolayad.

Waxaa la sheegay ilkaha in inta badan laga riday any u muuqatay in Dhagax looga garaacay. Bal qiyaas inay ilaa shalay xanuunka ilkahaas la noolayd.

Waxaa la sheegay xubnaaheda in qaar la jarjaray gaar ahaan meelaha ugu xanuunka badan sida; horaadada iyo meelo kale bal qiyaas inay xanuunka meelahas la jarjaray ilaa xalay l noolayd

Waxaa la sheegay in la ceejiyey oo waliba markaa la keenayey ay madaxa bac ugu jirtay, bal qiyaas inay ilaa shalay la noolayd neef ku celin iyo neef qabatin.

Intaas oo xanuuna markaaf fiirisid dhimashadu waxay noqonaysa naxariis iyo waxa ugu sahlan waxii ku dhacay.

Waxaa hubaal ah nimanka dhibkaas gaystay inay jiraan maanta dad garanaya oo Galkacyo jooga laakiin ehelnimo u qarinaya. Fadlan ha qarsan arxan laawe ee cadaaladda usoo saar

Fadlan guri kasta baaqa gaarsiiya in dadkaas cadaalada loo soo saaro.

Aan u istaagno in caasho caddaal hesho.

WQ: Maxamed Daahir Karaama

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -