Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kooxda Daacish oo eedeyn u jeedisay dowlada federaalka Soomaaliya

Daacishta Soomaaliya ayaa ka dalbatay dhaqaatiirta wax ku soo bartay wadamada reer galbeedka inay Soomaaliya u yimaadaan sidii ay adeegyo caafimaad oo bilaash ah u fulin lahaayeen gudaha Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay Daacish oo iska soo duubay muuqaal soconaya muddo 15 daqiiqo ah ayaa sheegay in dhaqaatiirta ay u baahan yihiin ay iskugu jiraan kuwo xirfad sare leh sida qaliinka.

“Waxaan booqanay tuulooyin dhawr ah halkaasoo dadka ku nool intooda badan ay yihiin xoolo dhaqato waana dad dan yar ah oo aanan heli karin xarumo caafimaad ayuu hadalkiisa sii raaciay ninkan u hadlay daacishta Soomaaliya oo wajigiisa soo qarsaday xiligii oo muuqaalka duubayay.

Sidoo kale Daacish ayaa ku eedeeysay dowlada Soomaaliya inay dayacday doorkii uga aadanaa caawinaada iyo garabsiinta dadka reer miyiga ah gaar ahaan kuwooda danta yar ee aanan heli Karin adeegyada caafimaad.

Afhayeenkan u hadlay Daacish qaybteeda Soomaaliya ayaa ugu dambayn sheegay in ururkooda ay ka go’an tahay sii wadida adeegyada caafimaad ay siinayaan dadka Soomaaliyeed isagoo intaasi ku daray illaa iyo haatan in ay gargaar caafimaad u fidiyeen dad gaaraya 200 oo ruux.

Hadalkan ay soo saartay kooxda Daacish ayaa ka yaabiyey dad badan, maadaama kooxdan looga bartay iney geystaan dilal iyo weeraro kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

 

 

 

Related posts

Cumar Filish oo daah furay Telefishin cusub oo ku hadlaya codka G/Banaadir (Sawirro)

Caydiid Ali

Museveni oo Madaxweyne hore ku eedeeyey inuu gabaad siiyo kooxda Daacish

Caydiid Ali

Maxaan ku soo arkay Magaalada Jowhar? (Qormadii wasiir Cusmaan Dubbe)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---