Wareega Koobaad ee Doorashada Madaxweynaha Puntland oo soo dhamaatay iyo Tirinta oo bilaabatay

Waxaa goordhaw soo dhamaatay wareega koobaad ee codeynta doorashada Madaxweynaha maamulka Puntland ay ku tartamayaan 21-Musharax , waxaana doorashada ay ka socotaa magaalada Garawe.

Hoolka doorashada ka dhaceyso waxaa ku sugan dhamaan Xildhibaanada Puntland oo gaaraya 66-Xildhibaan, waxa ayna Xildhibaanadan kala xulanayaan musharaxiinta tirada badan ee doorashada ku tartamaya.

Wareega koobaad ee doorashada waxaa ku guuleesanaya musharaxa hela 33- cod, hadii wareega koobaad la waayo Musharaxa hela tirada codadkaasi waxaa loo gudbi doonaa wareega labaad ee ku tartamayaan sadexda Musharax ee ugu codadka badan.

Doorashada ayaa ah mid xiiso iyo xamaasad gaar ah leh, waxaana wali adag in la saadaaliyo musharaxa ku guuleesan kara doorashadan hada ka socota magaalada Garawe ee caasimada Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -