Wasiirka Gaashaandhiga Britain oo Socdaal aan lasii shaacin ku tagay Hargeysa (Daawo Sawiro)

Waxaa maanta magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland socdaal aan horey loo sii shaacin ku tagay Wasiirka Gaashaandhiga Dowlada Britain Gavin Williamson iyo wafdi uu hogaaminayay.

Wasiirka Gaashaandhiga Britain ayaa lagu soo dhaweeyay Qasriga Madaxooyada Somaliland, waxa uuna halkaasi kulan gaar ah kula qaatay Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiiro katirsan Maamulkaasi.

Kulanka ay yeesheen Muuse Biixi iyo Wasiirka Gaashaandhiga Britain ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya maamulka Somaliland iyo dowlada Britain oo ay Somaliland xoriyadeeda ka qaadatay 1960-kii.

Kulanka ayaa gabo gabadii kusoo dhammaaday is-afgarad buuxa iyo in la sii xoojiyo cilaaqaadka labada dhinac ee Britain iyo Somaliland, lana dar-dar geliyo horumarinta arrimaha iskaashi ee ka dhexeeya labada dhinac.

Safarka uu maanta magaalada Hargeysa ku gaaray wasiirka Gaashaandhiga Britain ayaa noqonaya  safarkii u horeeyey ee masuul haya xilka wasiirka Gaashaandhiga ku tago deegaanada maamulka  Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -