Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka arrimaha dibeda Somalia oo Addis ababa kula kulmay Mrs. Ine Marie Eriksen Søreide (Daawo Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Isse Awad ayaa kulan kula yeeshay Magaalada Addis Ababa Wasiiradda Arrimaha Dibadda Norway Ms. Ine Marie Eriksen Søreide kadib casha sharaf ay ku casuuntay Wasiirada Arrimaha Dibadda IGAD.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal, iyo sidoo kale joogtaynta taageerada Norway ee Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ballaaran ku bixinaysa bandhigidda hiigsiga qaran ee Nabad iyo Nolol ee loogu saldhigayo deganaanshaha iyo iskufilnaanshaha dhaqaale ee dalka, si looga gudbo dirirta iyo abaaraha, loona xoojiyo midnimada iyo wadajirka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Sida diiran ee Kim Jong-un loogu soo dhoweeyey dalka Ruushka

Caydiid Ali

Haweeney Afar Cunug oo mataano ah midbo maalin dhashay !!

Cabdi Cade

Nabadoon caan ah sidoo kale xil hayay oo lagu dilay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---