Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

C/wali Gaas oo diiday go’aankii ay Isimida Puntland ku fasaxeen Madaxda DF (Akhriso)

Madaxweyne Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ku gacan seyray, kana hor yimid go’aankii maanta ka soo baxay isimada Puntland ee ku lagu caddeeyay in laga noqday amarkii mas’uuliyiinta xukuumadda Federaalka looga mamnuucay degaanada Puntland inta ay socoto doorashada maamulkasi.

War-saxaafadeed caawa saqdii dhexe ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay inaysan waxba iska beddelin amarkii Wasaaradda Amniga Puntland ay ku mamnuucday, in madaxda iyo shaqaalaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya tagaan degaanada Puntland xilliga lagu jiro doorashada.

Kulan  ay yeesheen isimada Puntland iyo musharixiinta doorashada Puntland ayaa maanta lagu go’aamiyey inaan degaanada Puntland loo diidi karin cid kasta oo Soomaali ah oo aan dembiile ahayn, ayna kala tashadeen go’aankooda maamulka Madaxweyne Gaas ee talada haya, taasoo hadda u muuqata inaan la isku raacsaneyn.

Xubnaha laga mamnuucay Puntland ayaa kala ah Wasiirada iyo shaqaalaha xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha, Kuimana jiraan xildhibaannada labada Aqal ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hoos ka akhriso Qoraalka Madaxtooyada Puntland

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Ammaanka oo Muqdisho ku xiray gabar baraha bulshada caan ka ah

Cabdi Cade

Faahfaahin: Qarax lagu dilay shaqaale ka tirsan Hormuud oo Muqdisho ka dhacay

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo Careysan Dalkaan Ma Samatabixin Karaa ?

admin
Taboola Ads ---