Trump oo lagu eedeeyey inuu maleegayo qorshe lagu dilayo Madaxweyne caan ah

Madaxweynaha dalka Venezuela Nicolás Maduro ayaa ku eedeeyay dhigiisa Mareykanka inay qorsheynayso inay isaga dilaan si xukuumaddiisa meesha looga saaro.

Wuxuu weriyeyaasha u sheegay in la taliyaha arrimaha ammaanka dowladda Mareykanka, John Bolton uu isagu qorsheynayay dilkiisa balse ma uusan sheegin wax caddeyn ah oo arrintaasi ku saleysan.

“John Bolton ayaa loo xil saaray qorshaha la iigu dilo rabo, ciidammo shisheeye ayay dalka keeneen” ayuu yiri Maduro.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Nicholas Maduro uu yahay kaligii talis, wuxuuna ku soo rogay cunaqabatayn.

Toddobaadkan Mareykanka ayaa dhaleeceeyay booqasho ay ku tageen dalka Venezuela khaburo Ruush ah oo dhanka bambaanooyinka qaabilsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -