Allbanaadir.com
NEWS

Xamse Barre oo Muqdisho kusoo laabtay lana soo dhaweeyay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta soo gebagabeeyey safarkii taariikhiga ahaa ee afartii maalmood ee la soo dhaafay uu ku joogay magaalada laascaanood ee xarunta SSC-Khaatumo .

Xamse Cabdi Barre iyo wafdigii la socday ayaana maanta dib ugu soo laabtay Caasimadda Muqdisho waxaana si weyn usoo dhaweeyey Mas’uuliyiin katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa,oo 12–kii bisha safar Taariikhi ah oo ujeedkiisu ahaa xoojinta midnimada iyo nabadda ku gaaray Laascaanood, ayaa dhagax dhigay Mashaariic badan oo hormarineed, isaga oo qaar kalena daah-furay, waxaana uu maamulka iyo bulshada degaanka ku bogaadiyey sida ay ugu heelan yihiin ilaalinta midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamad go’aan KMG ah ka gaartay kiiskii loo heystay Duqa magaalada Nairobi

Caydiid Ali

Soomaaliya oo Nairobi uga qeyb gashay Shir diirada lagu saaray saddex qodob oo Muhiim ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Hanjabaadyo qatar ah oo loo diray gabadhii Talyaaniga aheyd ee diinta Islaamka qaadatay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---