Allbanaadir.com
NEWS

Labo Wasiir oo maanta xilka loogu kala wareejiyay Muqdisho

Muqdisho, Sabti, 22, Maarso 2025, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Wasiirkii hore Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal iyo Wasiirka cusub Mudane Maxamed Faarax Nuux.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa u mahadceliyey Wasiirkii hore Fardowsa Cismaan Cigaal oo shaqo baaxad leh ka soo qabatay wasaaradda muddadii ay hoggaminaysay, isaga oo sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay casriyeynta, horumarinta siyaasadda, shuruucda, iyo kaabayaasha dhaqaaale ee dalka.

Sidoo kale— Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa kula dardaarmay Wasiirka cusub ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Faarax Nuux, in uu sii labo jibbaaro shaqada Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ay u hayso dadka Soomaaliyeed.

Related posts

Farmaajo oo bogaadiyay sida uu u sarreeyo hamiga iyo niyadda Saraakiisha milatariga ee..

Cabdi Cade

Burcad hubeesan oo lagu qabtay xaafad katirsan magaalada Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Rooble oo hada ka qeyb galaya Munaasabad ka socota Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---