Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo la kulmay Saraakiil iyo odayaal cabasho qabay (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa degmada Cadale kula kulmay qaar ka mid ah odayaasha, waxgaradka, hoggaanka Macawisleyda iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaannada gobolka.

Intii uu kulanku socday, Madaxweynaha iyo madaxda uu la kulmay ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay dardargelinta dagaalka lagula jiro argagixisada iyo sidii mar kale loo abaabuli lahaa howlgal gobolka looga saarayo kooxda Al Shabaab.

Saraakiisha iyo odayaasha uu la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh qaarkood, ayaa la sheegay in ay qabeen cabashooyin keenay in deegaannada qaar ee gobolka Shabeelaha Dhaxe si fudud looga soo baxo ayna la wareegaan Al Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh , ayaa degmada Cadale uu joogo kawada kulamo siyaadadeed iyo abaabul dagaal oo ka dhan ah Al Shabaab, waxa uuna Madaxweynaha abaabulayaa howlgal cusub oo ka dhan ah Al Shabaab.

Related posts

Kheyre oo hal arin ku amaanay dadka kunool magaalada Xudur (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Wasiir isaga haray Doorashada Kursi ka banaan Aqalka hoose iyo Sababta ka dambeeysa

Cabdi Cade

Madaxweynaha Jubbaland oo xil culus u magacaabay Eng Cabdi Xuseen Maxamed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---