Allbanaadir.com
NEWS

Xamse oo afur wadareed kaga qeyb galay Suuqa bakaaraha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay kulan afur wadareed ah oo lagu qabtay Suuqa bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, iyadoona ay goobjoog ka ahaayeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirada XFS, Xildhibaano iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay shacabka iyo Maamulka Degmada Warta Nabadda sida ay isugu tashadeen, isla markaana ay ugu shaqeeyeen horumarka kaabayaasha bulshadu oo ay ugu horreeyaan dhismaha waddooyinka, taasi oo qeyb weyn ka qaata bilicda, horumarka iyo amniga.

Waxa uu boogaadiyay Ciidamada xooga dalka iyo kuwa deegaanada ee dagaalka sifeynta Al shabaab ka wada Gobolada dalka, asigoona shacabka ugu baaqay in si wadajir ah loogu shaqeeyo Amniga Guud ee dalka iyo diyaar garowga Doorasho Qof iyo Cod oo ka dhacda dalka, si bulshada ay usoo doortaan cida hogaamineysa.

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda Marwo Seynab Maxamuud Warsame Xaabsey, Saraakiisha Amniga Caasimadda, Agaasimeyaal, Odayaal dhaqan iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada ayaa goobjoog ka ahaa Afur wadareedkaan.

Related posts

Wasiirad Fowsiya oo shaacisay tirada dadka cusub ee maanta laga helay COVID-19

Caydiid Ali

Faransiiska iyo Israa’il oo ka shaqeenaya in la afgambiyo dowlad Afrikan ah

Cabdi Cade

(Sawirro) Mid ka Mid ah Wasaaradaha DF oo xarun cusub loo dhisayo & Xamse oo Dhagax-dhigay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---