Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo si weyn loogu soo dhaweeyay Adis Ababa (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo wafdi la socda , ayaa ka degay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaasoo uga qeyb galayo shir madaxeedka 38aad ee Midowga Afrika.

Xubnaha safarka ku wehliya Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macalin Fiqi oo ay safarkiisa u horreeyay ay tahay tan iyo markii xilkan loo magacaabay April 2024, xilligaasoo ay taagneyd xiisaddii Soomaaliya iyo Itoobiya u dhaxeysay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa inta uu joogo magaalada Adis Ababa waxa uu la kulmi doonaa qaar kamid ah madaxda halkaasi shirka uga qeyb galeysa , kuwaa uu kala hadli doono xaalada dalkeena iyo arrimo kale.

Safarkan Madaxweyne Xasan Sheekh galabta ku tagay magaalada Adis Ababa, ayaa kusoo aadaya xilli ay Soomaaliya iyo Itoobiya ka heshiiyeen khilaafkii u dhaxeeyay ayna isku soo dhawaadeen labada dal.

Related posts

Musharax Guuleed oo hadlay sida uu u arko Xubnihii laga saaray Guddiga Doorashada

Cabdi Cade

Madaxweynaha Hirshabelle oo baaq degdeg ah kasoo saaray Dagaal ka socda deegaano…

Cabdi Cade

Daawo: Sida fudud ee xilka looga qaaday Khayre & buuqa ka dhacay gudaha Baarlamanka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---