Allbanaadir.com
NEWS

Villa Baydhabo iyo Gurigii Cigaal ee Muqdisho oo la xaraashayo

Dowladda Soomaaliya, ayaa lagu eedeeyay in magaalada Muqdisho ka wado xaraashka dhulkii ay dowlada laheyd iyo sidoo kale guryihii ay degnaayeen qaar kamid madaxdii dalka soo martay.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame , ayaa sheegay in madaxda dowladda ay xaraashayaan Villa Baydhabo iyo sidoo kale gurigii uu magaalada Muqdisho ka degnaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal , Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo Madaxweynihii hore ee Somaliland.

“Waxaa la xaraashayaa Vila Baydhabo oo ah hoygii Allaha u naxariistee Maxamad Xaaji Ibraahim Cigaal. Waxaan maalin dhoweed la kulmay, nin wasiir ka ahaa dowladdii tan ka horraysay, aabihiina wasiir ka ahaa dowladdii Kacaanka oo isagana gurigoodii la qaatay.Waxaa caado inoo noqotay in aan isku eegano gaboodfalka iyo caddaalad-darraada maadaama aysan markaa ku haysan, laakiin af labadii la qayliyo haddii ay kugu timaaddo” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in hantida dadweynaha iyo midda danta guud ee la boobayo haddii aan laga hortagin ay dhici doonto in la xalaaleesto dhulalka iyo guryaha ay leeyihiin dadka shacabka.

“Haddii aan boobka hantida dadwaynaha iyo danta guud laga hortegin, waxaa dhici doonta in dad dhulkooda iyo guryahooda lagu xalaalaysto in ay hanti dowladeed tahay, sababtoo ah dulmiga wuu fidaa, kuwa ku lug yeeshana mar aysan filayn iyo meel aysan ka filaynin ayuu ku haleelaa” Ayuu yiri xildhibaanka.

Related posts

Duqeymo culus oo saakay lagu garaacay kooxda Al Shabaab iyo Wararkii u Dambeeyay

Cabdi Cade

Xoghayaha joogtada ee xafiiska RW Somalia oo musuq-maasuq lagu eedeeyey (Akhriso Cadeyn)

admin

Booliiska oo Shaaciyay cida Masuulka ka ah Falalka amni darro ee Muqdisho kusoo korortay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---