Allbanaadir.com
NEWS

Xukuumadda oo taageero u ballanqaaday Puntland oo dagaal kula jirta Daacish

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa bogaadiyey Ciidamada geesiyaasha ah ee Puntland, kuwaas oo guulo waaweyn ka gaaray jab xooggana gaarsiiyey kooxda  Daacisha ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Golaha ayaa go’aamiyey in hey’addaha dowladda ay mid walba qaadato doorkeeda waxtarka ah ee kaga aaddan garab istaagga ciidamada iyo shacabka Puntland ee dagaalka kula jira cadowga.

Ciidamada Puntland ayaa guulo wax ku ool ah ka gaaray dagaalka ay kula jiraan kooxda Daacish , waxa ayna Puntland la wareegeen dhul buuraley ah oo horey kooxda Daacish saldhigyo uga dhigteen.

Hadalkan kasoo yeeray Xukuumadda Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli uusan wax xiriir ah ka dhaxeyn dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland, lamana oga sida Puntland u aqbali doonto taageerada dowladda u fidineyso.

Related posts

Daawo:-Dhoolatuskii Taageerayaasha Musharax Madaxwayne Xasan Cali Khayre ee Muqdisho (Taageero dhalinyaro)

admin

Booliska Britain oo War ka soo saaray qarax ka dhacay Magaalada Liverpool (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlad Carbeed oo Badda ku riday 10 Kaare !! (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---