Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirkii Arrimaha Gudaha xukunkii Bashar Al-asad oo is dhiibay

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha dalka Suuriya Maxamed Shaacir ayaa isu soo dhiibay ciiddamada la wareegay talada dalkaas.

Ninkan oo ka tirsanaa taliskii dhacay ee Bishar Al-Asad isla markaana xilka Wasiirka Arrimaha gudaha hayey intii u dhaxaysay 2011-kii ilaa 2018-kii ayaa ka mid ahaa dadka loo haysto inay ka qayb qaateen xasuuqii lagula kacay dadkii reer Suuriya.

Dhowaan sidoo kale waxay ciiddamada Suuriya gacanta ku soo dhigay Cadaf Najiib oo ay ilma adeer ahaayeen Bishaar Al-Asad kaasoo ka mid ahaa shakhsiyaadkii bilaabay in la ciqaabo dadweynihii kacdoonka sameeyey ee reer Suuriya.

Madaxdii dembiyada ka gashay dalka Suuriya ayaa noqday kuwo dalkaaas ka cararay, kuwo la qabtay iyo kuwo dhuumanaya oo lagu raad joogo.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Suuriya, Axmed Sharac ayaa u sheegay wargeyska The Economist inaysan wax heshiis ah la geli doonin Israa’iil, illaa ay ka baxdo buuraha Golan Heights,

Waxaa uu caddeeyay in Suuriya ay raadineyso xiriir nabadeed oo ay la yeelato dhammaan waddamada. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu xusay in Israa’iil ay u dhaqmayso inay tahay caqabad ugu weyn ee gobolka. Wuxuu intaa ku daray: “Waxaa jira dareen weyn oo ku saabsan arrinta Israa’iil, gaar ahaan ka dib dagaalladii iyo qabsashadooda Golan tan iyo 1967.”

Related posts

Labo Wadan oo Qorsheenaya in Mustaqbalka dhaw Hal Madaxweyne yeeshaan 

Cabdi Cade

Taalibaan oo ka hadashay Duqeyntii ka dhacday Kabul ee lagu dilay Ayman al-Zawahiri

Cabdi Cade

Nin aroos ahaa iyo dad kaloo badan oo ku dhintay goob ay ka socotay xaflad aroos !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---