Allbanaadir.com
NEWS

Jabuuti oo 8 qof ku dishay duqeyn ka dhacday Itoobiya

Dowladda Jabuuti ayaa shaacisay inay duqaymo ku dishay 8 xubnood oo ka mid ahaa koox ay ku sifaysay inay argagaxiso yihiin kuwaasoo ku sugnaa meel aan ka dheerayn xadka ay la wadaagaan waddanka Itoobiya.

Kooxda duqaynta lala eegtay ayaa ahayd xubno ka mida Jabhadda mucaaradka FRUD oo ah dhaqaaq ka tirsan qoomiyadda Canfarta ee degta dalka Jabuuti oo ka horjeeda dowlada Madaxweyne Geelle.

Wasaaradda Gaashaandhiga ee Jabuuti ayaa sheegtay inay weerarkaas fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drone-ta loo yaqaan kuwaasoo tilmaansaday meelihii ay gabbaadka ka dhiganayeen.

Sidoo kale Jabuuti ayaa qirtay in weerarkaas waxyeello ka soo gaadhey dad shacab oo ku dhowaa goobta la duqeeyey iyadoo wararka qaar sheegayaan in halka uu weerarkan ka dhacay ay tahay gudaha xadka Itoobiya

Warbaahinta madaxa banaan ee Itoobiya ayaa tabinaya in Dowladda Jabuuti duqaymo ka geystay gudaha Itoobiya. Waxay sheegeen in duqaymahan laga gaystay Deegaanka Canfarta ay ku dhinteen ilaa 8 qof, halka dhaawacna uu jiro.

Related posts

Ugaas C/llaahi Ugaas Xaashi oo fariin iskugu jirta hambalyo & dardaaran u diray Madaxda Galmudug

Caydiid Ali

Isbedel lagu sameynayo barta bulshadu ku xiriirto ee Facebook oo lagu dhawaaqay

Caydiid Ali

Akhriso: Magacyada 10-ka arday ee kaalimaha hore ka galay Imtixaanka shahaadiga ee Dugsiga sare

admin
Taboola Ads ---