Allbanaadir.com
NEWS

Booliska Jubbaland oo gacanta ku dhigay rag ku eedeysan..

Ciidanka Booliska Jubbaland ee Degmada Dhoobley ayaa gacanta ku soo dhigay Rag lagu eedeynayo Ugaadhsiga iyo ganacsiga sharci-darrada ah ee ugaadha deegaanka.

Falalkan ayaa khatar weyn ku hayay Duur-joogta iyo Deegaanka, iyadoo horey loo mamnuucay laynta Duur-joogta iyo xaalufinta Deeganka.

Taliyaha Amniga Guud ee Dhoobley, Gaashaanle Sare Maxamed Haybe Muxumed, ayaa sheegay in Raggan lagu soo qabtay howlgal qorsheysan, isla markaana la horgayn doono Cadaalada.

Wuxuu ku booriyay bulshada inay ka qeyb qaataan ilaalinta Duur-joogta iyo ka hortagga xaalufinta Deegaanka wuxuuna u digay shaqsiyaadka ku howlan ugaarsiga duurjoogta in lala tiigsan doono sharciga aysana badbaadi doonin.

 

Related posts

Askari 5 kun Sh.so u dilay oday 65 jir ah & Taliska Booliska oo war kasoo saaray

Cabdi Cade

Doorashada Afar kursi oo katirsan golaha Shacabka oo beri la dooran lahaa oo …

Cabdi Cade

Ilhan Cumar oo ugu baaqday Madaxweyne Farmaajo in uu ka baxo Madaxtooyada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---