Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Trump oo mar kale loo dhaariyey Madaxweynaha USA

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta oo Isniin ah, loo dhaariyey xilka madaxweynaha 47-aad ee Mareykanka.

Saadaashaa cimilada oo aad u qabow darteed Xafladda caleema saarka ayaa lagu qabtay gudaha hoolka ‘Capitol rotunda’. Markii ugu dambeysay ee xafladan oo kale lagu qabto gudaha hoolkan ayaa ahayd sannadii 1985 markaas oo la doortay madaxweyne Ronald Reagan.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa sheegay inuu xaalad degdeg ah galiyay Xuduudka Koonfureed ee Dalka Maraykanka halkaasoo ah meesha ay Muhaajiriintu ka galaan dalkaasi.

Wuxuu intaas ku daray inuu joojin doono hab-dhaqanka ah in dadka soo galootiga ah la qabto muddo kooban la xidho hadana la sii daayo.

“Waxaan dib u celin doonaa malaayiin qof oo dambiileyaal bilaa sharciga ah oo aan ku celin doono meelihii ay ka yimaadeen” ayuu yiri Trump oo hadal Ka jeediyay Xafladda Caleemo saarkiisa.

Madaxweynaha Mareykanka ee maanta xilka la wareegay, Donald Trump ayaa sheegay inuu bannaanka soo dhigi doono dukumentiyada sirta ah ee la xiriira dilka Madaxweynihii Mareykanka, John F. Kennedy, walaalkiis, Robert Kennedy, iyo Martin Luther King.

“Waan soo afjari doonaa dagaalka Ukraine, waxaan joojin doonaa fowdada Bariga Dhexe, waxaanan ka hortagi doonaa inuu dhaco dagaalkii 3aad ee aduunka.” ayuu yiri Trump.

HOOS KA DAAWO SAWIRRO

 

Related posts

Dowlada oo ka hadashay Weerar ka dhacay magaalada Dujuuma iyo Khasraaha ka dhashay

Cabdi Cade

Howlgalo boqolaal qof lagu qabqabtay oo ka dhacay xaafado ka tirsan Muqdisho

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo dalka ka ceyrisay labo qof oo Reer Galbeed ah (Magacyada)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---