Allbanaadir.com
NEWS

Aden Madoobe oo ganaax culus ku soo rogay Xildhibaan Firimbi

Warqad ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulamada baarlamanka ka joojiyey muddo labo bilood ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka.

Qoraalka lagu sheegay in laba bilood oo xiriir ah laga joojiyay fadhiyadda Golaha Shacabka Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil Firimbi oo fal gacan qaad ah 27-kii Bishii November u geystay Askari ka tirsan ilaalada xarunta Golaha Shacabka

Sidoo kalena waxaa ganaaxyo isugu jira jeris gunno iyo ka joojin fadhiyada Golaha lagu riday Xildhibaano lagu soo eedeeyay sida warqadda ku xusan is horistaagid Guntanka ama kooramka Golaha iyo ka hor imaansho Xeer hoosaadka Golaha Shacabka.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guud Xildhibaanadda Golaha Shacabka ku bogaadiyay howlaha ay Qaranka u hayaan isaga oo kula dardaarmay ilaalinta iyo dhowrista nidaamka iyo sidoo kale habsami u socodka Golaha.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA AXMED MADOOBE

Related posts

Dabaaldeg weyn oo lagu qabtay Hargeysa iyo Muuse Biixi oo ka qeyb galay (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo Wareegto ku magacaabay guddi ka kooban 8 xubnood (Akhriso)

Caydiid Ali

Magaalada Adis Ababa oo lagu qabtay Hub kala duwan iyo ragii watay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---