Allbanaadir.com
NEWS

Go’aan aargoosi ah oo ay ku kacday DFS oo si adag loo cambaareeyay

Siyaasiyiin mucaarad ah ayaa si adag u cambaareeyay , go’aan maanta dowladda Federaalka Soomaaliya ku joojisay diyaaradihii rakaabka ka qaadi jiray ee u duuli jiray gobollada dalka qaarkood.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsane ayaa si adag u cambaareeyay go’aan uu aargoosi ku tilmaamay oo ay maanta ku kacday dowladda, kuwaa oo lagu xayiray shirkado diyaaradeed oo diiday in ay ciidamo geeyaan deegaanka Raaskanbooni.

‘’Waxaa canbaaraynayaa xayiraada aargoosiga ah ee ay dawlada federaalka ah ku soo rogtay diyaaradaha iyo duulimaadka gudaha, iyagoo ugu marmarsyoonaya in ay diideen ciidan loo daabulayo Raaskambooni’’ ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur .

Xildhibaanka ayaa sheegay in diyaaraha rayidka ah ay ka reebbanyihiin in ay ciidan daabulaan, waxa uu sidoo kale xadgudub sharci iyo tacadi ku tilmaamay in ay kumanaan shacab ah laga xayiro safarradoodii, iyadoo colaad laga hurinayo degaanno kale.

Ugu dambeyn Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ugu baaqay madaxda Villa Somalia in ay joojiyaan ciqaabta jamaaciga, kana waantoobaan ciidanka ay daabulayaan iyo colaadda ay hurinayaan deegaannada maamulka Jubbaland.

Related posts

Wakiilka cusub ee QM u qaabilsan Somalia oo Muqdisho lagu soo dhoweeyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Dad badan oo ka carooday Xayeesiin Dumarka loogu gafay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Muxuu RW Xamse kala hadlay Fiona Lortan iyo Saraakiisha hawlgalka ATMIS? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---