Allbanaadir.com
NEWS

Amarkii Axmed Madoobe oo shaqeyn waayay iyo dowladda oo hoosheeda wadata

Maamul goboleedka Jubbaland ayaa dhawaan soo saaray amar ku socda shirkadaha diyaaradaha ee dalka ka howlgala, kuwaa oo la farayay in aysan ka degi karin deegaanka Raaskanbooni ayna halkaasi geyn karin ciidamo iyo saanad milatari.

Amarka kasoo baxay maamulka Jubbaland uu hoggaamiyo Axmed Madoobe ayaana ilaa hadda shaqeyn, waxaana maanta kaliya deegaanka Raaskanbooni gaaray dhowr diyaaradood oo wada ciidamo iyo sidoo kale  saanad ciidan .

Diyaaradaha ka degay deegaanka Raaskanbooni ayaa ah diyaarado ay leeyihiin shirkado Soomaaliyeed oo dalka ka howlgala, waxaana diyaaraaha kireestay oo ciidanka iyo agbakaba ku qaadanaya dowladda Soomaaliya.

Sida aan xogta ku helnay diyaaradaha maanta ka degay deegaanka Raaskanbooni ayaa waday saanad iyo agabyo ay kamid yihiin internetka iyo isgaarsiinta, maadaama maamulka Jubbaland uu jaray adeegii isgaarsiinta ee deegaannadaasi ka jiray.

Maamul goboleedka Jubbaland ayaana la ogeyn tallaabada uu ka qaadi doono shirkadaha diyaaradaha ee jabiyay amarkooda, waxa ayna tallaabadan muujineysaa in dowladda wali awood u leedahay in deegaannada Jubbaland ciidamo kusii daabusho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Khayre Oo Guddoomiyay Shir Ay Yeesheen Wasiirrada la Socda iyo Iyo kuwa Jubaland (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Askari Sanad kadib Deegaan uu Al Shabaab ka xureeyay ku dhigtay Aroos qurux badan !

Cabdi Cade

Bankigii dhiigga oo Soddon sano ka dib la howlgelinayo & Khayre oo dhagax dhigay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---