Axmed Madoobe & Xasan Shiikh oo u tamashle tegay degaanka Goobweyn (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo uu wehliyey Madaxweynahii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday degaanada gosha ee gobolka Jubbada Hoose halkaas oo ah goobo Dalxiis iyo dhul wax soo saarka ku wanaagsan.

Waxaa sidoo kale booqashadan ku wehliyey masuuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Jubbaland iyo xubno ka tirsan wafdiga Xasan Shiikh.

Xasan Shiikh ayaa saaka kulan ballaaran kula qaatay magaalada Kismaayo aqoonyahanada iyo qeybaha bulshada Juballand, isagoo kala hadlay arimo ku saabsan xaalada dalka.

Madaxweynihii hore ee Somalia oo dhowaan ku soo laabtay dalka tan iyo markii looga adkaaday doorashada 8-dii Febraayo ee sanadkii hore ayaa wada dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo ka dhan ah madaxda dowlada federaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -