Allbanaadir.com
NEWS

WFP oo joojisay shaqadii ay ka waday SSC Khaatumo (Sababta)

Heyadda Cunnada Adduunka (WFP) ayaa qaaday talaabo aan caadiga ahayn oo laga joojinayo dhammaan howlaha samafalka ee ay ka waday gobolka SSC-Khaatumo ee Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa timid ka dib laba dhacdo oo bililiqeys ballaaran oo baaxad leh bishan lagula kacay sahayda cuntada ee muhiimka ah.

Bishan Nofembar 24, qiyaastii 45 metrik ton oo gargaar cunto ah ayaa laga xaday degmada Buuhoodle, oo ay ku xigto 50 mitir oo dheeri ah oo ah seddex maalmood ka dib.

Sahayda la xaday waxaa loogu talagalay 8,655 qoys oo ay ku jiraan carruurta nafaqo-xumadu hayso, hooyooyinka uurka leh iyo hooyooyinka nuujinaya, iyo qoysaska barakacayaasha. Gargaarka ayaa loo wakiishay NGO-ga maxalliga ah ee Ghado, Golaha Qaxootiga ee Noorway (NRC), iyo Harg), iyo Hirc, oo ka shaqeeya Laas Caanood, iyo Buuhodle.

Bixitaanka WFP waa dhabar jab kale oo gobolka ah, oo si weyn ugu tiirsan gargaarka caalamiga ah si wax looga qabto gaajada iyo nafaqo-xumada.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA WFP

Related posts

Wax badan ka Ogow Micnaha dhabta ah ee laga wado Ereyada Siyaasada

Cabdi Cade

Xildhibaan ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay kusoo wareejiso Meydka askari saakay la toogtay

Cabdi Cade

Xaflad sagootin ah oo loo sameeyay ardayda ka baxday sanadkan Jaamacadda Jazeera (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---