Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo eedeyn culus u jeedisay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh

Dowlad goboleedka Puntland , ayaa ku eedeeysay dowladda Federaalka Soomaaliya uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in ay hurineyso colaad beeleedyada mararka qaar ka dhaca qeybo kamid ah gobolka Mudug.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland Faysal Shiikh Cali Jifa-jabsade, ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya ay ka shaqeyso hurinta colaadaha dhax mara beelaha Soomaaliyeed ee wada dega gobolka Mudug qeybo kamid ah.

Waxa uu si cad u sheegay guddoomiye Faysal  in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxaha argagixisada ah ay ka siman yihiin isku dirka beelaha walaalaha ah ee gobolka Mudug iyo in ay kiciyaan colaad qabiil ku dhisan .

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, ayaa dowladda Xasan Shiikh Maxamuud ku eedeeyay in ay gobolka Mudug ka samaysay xuduudo qabiil, islamarkaana beelaha ku kicinayso xuduud beeleed aan jirin si ay qeyb uga noqoto dagaallada qabiilka ee ka socda Mudug.

“Ama dowladda Federaalka ha ahaato ama kooxaha argagixisada ah ha ahaato ee kuwa badan oo mushkilad ka shaqaynaya ayaa jira. Xuduudo iyo dhulbaan lee nahay iyo fulaan baa dadka lagu kicinayaa” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Faysal Shiikh Cali Jifa-jabsade.

Gobolka Mudug deegaanno katirsan ayaa marar badan waxaa ka dhacay colaad salka ku heysa qabiil, waxa ayna Puntland ku eedeysay marar badan dowladda Soomaaliya in qeyb weyn ka tahay kicinta colaadaha beelaha halkaasi ku dhax mara.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qatar oo dhabarka u jeedisay Farmaajo iyo xaalada gobolka Sh/hoose oo ka sii dartay

Caydiid Ali

Madaxweyne Guudlaawe oo Isbitaal ku booqday dad kusoo dhaawacmay qaraxii Baladweyn (Sawirro)

Cabdi Cade

Puntland oo si kulul uga jawaabtay eedeyntii kaga timid Somaliland (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---