Maamul 3-Kun oo Dollar ku ganaaxaya dadka Al-Shabaab u doonta Garsoorka

Maamulka degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ayaa soo saaray amaro adag oo ku socda dadka shacabka ah ee kunool degmadaasi ee garsoorka u doonta deegaanada Al Shabaab maamulaan.

Guddoomiyaha degmada Balad Xaawo ayaa uga digay shacabka in ay garsoor u doontaan Al Shabaab , waxa uuna ku hanjabay in talaabo adag laga qaadi doono qofkii la ogaado in uu garsoor u doontay deegaanada Al Shabaab maamulaan

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha gobolka Gedo in maamulkiisa ku ganaaxi doono qofkii garsoor u doonta Al Shabaab lacag dhan 3-Kun oo Dollar sidoo kale qofkaasi ay marsiin doonaan ciqaab kale oo adag.

Gudoomiyaha Degmada Balad Xaawo ayaa sheegay in ay dambi tahay in shacabka ay la macaamilaan ama garsoor u doontaan Al Shabaab, waxa uuna xusay in kooxdaasi wax heshiis ah uusan kala dhaxeyn.

Maamulka degmada Balad Xaawo ayaa dhawaan degmadaasi ka musaafuriyay xaasaska iyo caruurta Al Shabaab, waxaana talaabadaasi ka dhalatay in Al Shababa dhankooda ay go’doomiyaan Degmada Balad Xaawo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -