Allbanaadir.com
NEWS

Xassan Shiikh & wafdi uu horkacayo oo caawa ka degay Riyadh (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudiga, halkaasoo ay kaga qeyb-galayaan shirar degdeg ah oo ay yeelanayaan madaxda dalalka Islaamka iyo Carabta.

Madaxda ayaa ka wadahadlaya colaadda iyo gumaadka ka dhanka ah dadka Falastiin iyo Lubnaan, gaar ahaan joojinta xasuuqa iyo sidii gurmad degdeg ah ay u heli lahaayeen dadka reer Qasa ee dhibaataysan, iyadoo shirka ay ka soo qeyb-galayaan madax iyo wufuud ka  socoto dowladaha xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka.

Inta lagu guda jiro shirkan, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayaa kulan-doceedyo la qaadan doona Madaxda, Boqorrada, Amiirrada iyo Hoggaamiyeyaasha Islaamka ee shirka ka soo qeyb-galaya, si loo xoojiyo xiriirka dalkeennu uu la leeyahay Caalamka Islaamka iyo Carabta.

Related posts

RW Kheyre oo ka hadlay ujeedada laga leeyahay in doorasho qof iyo cod ah ay dalka ka dhacdo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Markab siday Gantaalada lidka Taangiyada iyo kuwa Balaastikada oo la qabtay

Cabdi Cade

Musharaxiin uu ka mid yahay Xasan Shiikh oo lagu soo dhoweeyey Garoowe (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---