Allbanaadir.com
NEWS

Talaabada koowaad ee uu qaadayo Trump oo la shaaciyey

Karoline Leavitt, oo ah Afhayeenka Ololaha Trump, ayaa ku dhawaaqday in tallaabada u horreysa ee uu qaadayo Trump marka uu xafiiska la wareego inay tahay fulinta ballan-qaadkiisii ​​ahaa masaafurinta muhaajiriinta aan sharciga haysan, sida ay baahisay shabakadda NBC News.

“Dadka Mareykanka waxay gaarsiiyeen guul lama filaan ah madaxweyne Trump, guushani waxay awood u siinaysa Trump fulinta ballanqaaadkii hawlgalkii ugu weynaa ee masaafurinta, si wax looga qabto guul-darrooyinka siyaasadda socdaalka ee Kamala” ayey tiri Leavitt.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale dib loogu doortay xilkaas, kadib doorasho adag oo shalay ka dhacday dalka, isaga oo ka guuleystay madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Kamala Harris.

Ayada oo weli natiijada gobollada qaar aan si rasmi loo go’aamin, ayaa Trump waxaa illaa la saadaaliyey inuu ku guuleysatay tirada ergada codeynta ee ku filan, si uu madaxweyne u noqdo.

Trump ayaa illaa hadda xaqiijiyey 277 oo ah ergada codeynta ama Electoral College, halka Kamala Harris ay illaa hadda ku guuleysatay 224. Trump ayaa u baahnaa 270 si uu noqdo madaxweyne.

Trump ayaa goor-dhow la saadaaliyey inuu ku guuleysan doono gobolka Wisconsin iyo 10-kii ergo cod, taasi oo dhaafsiisay 270-ka ergada codeynta ee uu u baahahn yahay.

Donald Trump ayaa ku guuleystay gobollo badan oo muhiim ah, oo ah kuwa aadka loogu loolamo, sida Pennsylvania, Georgia iyo Wisconsin. Saddexdan gobol ayaa waxaa 2020 ku guuleystay madaxweyne Joe Biden.

Dhinaca kale, Jamhuuriyiinta ayaa waxay la wareegeen aqlabiyadda Aqalka 100-ka xubnood ka kooban ee Senate-ka, laakiin weli lama oga xisbiga maamuli doono Aqalka Wakiilada Mareykanka.

 

 

Related posts

Maxaa ka jira in Fahad Yaasiin loo fasaxay kursiga Hope086 ee horey looga hakiyey?

Caydiid Ali

Villa Soomaaliya oo diyaar-garowgii ugu dambeysay ugu jirta Magacaabida RW Cusub

Caydiid Ali

Banaan bax balaaran oo ka dhacay Garawe iyo Shacabka oo caro xoogan muujiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---