Allbanaadir.com
NEWS

Taye Atske Selassie oo loo doortay Madaxweynaha Itoobiya

Wasiirkii arrimaha Dibada ee Itoobiya Taye Atske Selassie ayaa maanta loo magacaabay Madaxweynaha cusub ee Itoobiya.

Taye Atske Selassie ayaa ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda tan iyo 8-dii February 2024.

Waxa uu dalkiisa ku matalayay wada hadaladii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee Turkiga ka dhacay.

Khudbado uu dhowaanahan jeedinayay waxaa uu caan ku yahay cadowtinimada Soomaaliya isagoo ka soo jeeda qowmiyada Axmaarada.

Waxaa uu bedelayaa haweeneyda Sahle Worke Sawde oo xilka Madaxweynaha dalkaas soo haysay sanadihii u dambeeyey.

Madaxweynaha Itoobiya ayaa ah Madaxweyne sharafeed aan awood laheyn oo kaliya howlo kooban oo ay ku jirto inuu safiirada dalalka dibeda ka gudoomo warqadaha aqoonsiga, waxaana awooda fulinta iyo maamulka dalka iska leh Raisul Wasaaraha

Related posts

Shirkadaha Diyaaradaha dalka oo labo daran mid dooro ay heysato xilligan

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in Gaadiid & Hub Casri ah laga dajiyay Kismaayo iyo Cali Khaliif Galaydh oo jawaab siiyay Muuse biixi !!

admin

Madaxweyne Donlad Trump oo laga duubay Cod sir ah oo Fadeexad ku noqotay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---