Allbanaadir.com
NEWS

Arrinta Ethopia ee Heshiiska MoU iyo xalka ugu dambeeya

Ethiopia iyo Eritrea ayaa waxaa dhexmarey dagaal, May 1998 oo salka ku hayey in Ethiopia dooneysey in bad ku hesho dagaal maadaama markii Ethiopia iyo Eritrea ay ka go’dey Ethiopia noqotey dal aan laheyn bad. Hadaba, Eritrea markii aragtey in dagaal uu salka ku hayo ujeedkaas ayey waxey sameysey in ay qeylo dhaan u dirsato UNSC, iyo beesha caalamka sannadkii 1998, waxaana oo loo arkayey in Ethiopia ay wado gardaro si ay bad u hesho.

Beesha caalamka waxey Eritrea kula talisey in International Criminal Court ICC, Maxkamadda Caalamiga ee Dambiyada saxiixdo heshiiskii “Rome Statute” taas beesha caalamka u arkayeen in Ethiopia laga xisaabtamidoono arrintan.

Eritrea waxey saxiixdey 7 October, 1998 xeerka Rome ee dambiyada Caalamiga ay ku shaqeyso Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ee loo yaqaano “Rome Statute ICC International Criminal Court” markii Eritrea saxiixdey, Ethiopia waxey iska ilowdey hamiyigeedii in Eritrea badeeda qaadato, rajadii ayaa lagu soo afjarey halkaas.

SOO AFJARID : Ethiopia markii aragtey in Maxkamadda Caalamiga ee Dambiyada ICC la geyn karo, waxey u wareegtey. Djibouti oo la socotey arrintan, ayaa iyadana u aragtey in Ethiopia ay isku dayi doonto mid la mid ah tii Eritrea, laakiin, Djibouti ayaa ogaatey oo isla maalin Eritrea la saxiixdey xeerka Rome Statute ICC, 7 October, 1998 iyada qalinka ku duugtey.

Eritrea ayaa beesha caalam waxey ku dhiiri gelinayeen hadii ay Ethiopia kaga hartey ICC, in UNCLOS oo heshiis dalalka badda saxiixaan si dalal bada laheyn ugu faaiideystaan sida Ethiopia, Eritrea waxey wacad ku martey in aynan saxiixidoonin UNCLOS , Djibouti oo saxiixdey UNCLOS ayaa u ogolaatey in Ethiopia ay isticmaasho degadeeda, laakiin aynan marna helidoonin bad ay Ethiopia iyadu lee dahey, Ethiopia oo og in Djibouti ay ICC saxiixdey. Ethiopia iyo Djibouti waxey kala saxixdeen heshiis labo geesood ah si degada u isticmaasho.

Waxaa muhiim ah oo u baahan in la ogaado: Ethiopia ma saxiixin UNCLOS, sababta aynan Ethiopia u saxiixan UNCLOS iyada u aragtey gumeysi dhaqaaleeda, ay muhiim tahey in ay bad hesho, meesha kaliya u furan ay tahey ama dalka kaliya ee Maxkamadda Caalamiga ee Dambiyada ICC ku jirin ee geesa Africa ay tahey Somalia.

Heshiiska ee Soomaaliya saxiixdey UNCLOS, Ethiopia ma u soo kordhidoono wax qiimo leh.

1. Djibouti sida hada Ethiopia u isticmaasho dekadeeda waa ganacsi, sida uu qabo UNCLOS iyo heshiisa Djibouti iyo Ethiopia waa in loo hoggaansanaandaa shuruucda ganacsiga caalamiga ah, sidoo soo dejin karin dekada Djibouti walxaha khatarta ah (sida kiimikooyinka halista ah ama walxaha qarxa.

2. Djibouti oo kormeer ku sameysa wax walba oo Ethiopia u soo daga ama dhoofiso, Djibouti hadi ay u ragto in khatar tahey ay joojiso.

Ugu dambeyn : Ethiopia waa in ku guuleysataa sida ugu dhaqsaha badan MoU ay la gashey Somaliland inta ay Soomaaliya ku baraarugin in ay saxiixdo xeerka Rome Statute ee maxkamadda dambiyada caalamiga, taas oo lagu dacweyn karo PM Abiy Ahmed iyo xula fadiisa.

W/Q Mahad Ahmed Haji

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Musharaxiinta oo Jawaab adag ka bixiyay Go’aankii Dowlada iyo cabsi badan oo jirta

Cabdi Cade

Nin soo dilay Sargaal katirsanaa kooxda Al Shabaab oo lacag abaal-marin ah la siiyay

Cabdi Cade

(Sawirro) Raisul Wasaare xilka haya oo loo Maxkamadeynayo ku lug lahaashaha dilka xaaskiisa

Caydiid Ali