Allbanaadir.com
NEWS

Shirka Xasillinta Wasiiradda Hirshabelle oo Jalalaqsi ka dhacay (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa xalay shir guddoomiyay kulan golaha Wasiirrada Hirshabelle yeesheen, kaa oo diirada lagu saaray arrimaha xasilinta, waxa uuna shirkan ka dhacay degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan.

Shirkan waxaa goobjoog ahaa Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), guddoomiyaha gobalka Hiiraan, saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo maamulka degmada Jalalaqsi.

Waxaa shirkan looga hadlay amniga, barnaamijyada xasinlita sida kaabayaasha adeegyada, arrimaha caafimaadka, waxbarashada, cadaaladda, biyaha, shaqo abuurka, xallinta khalifaaadka bulshada iyo korontada.

“Waa tilaabo loo qaaday dowladnimada in shirkii xasillinta golaha Wasiirrada lagu qabto degmada Jalalaqsi waxana ay ku timid isku-duubnida shacabka.” ayuu yiri Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe

Waa markii ugu horeysay ee shir Golaha wasiirrada maamulka Hirshabeelle lagu qabto degmada Jalalaqsi, waxaana shirkan qabsoomidiisa yimid xlli Madaxweyne Guudlaawe oo safar shaqo ku marayo degmooyin katirsan gobolka Hiiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliis Waardiyeenaya Musqulaha dalka Turmenistan iyo Sabab layaab leh oo keentay

Cabdi Cade

Saciid Ciise: ” Mucaaradku ha joojiyaan hanjabaada, hana siiyaan fursad ay madaxdu gacmahooda Isfashiliyaan”

Caydiid Ali

Soomaali badan oo laga soo tarxiilayo dalka Mareykanka oo kusoo wajahan Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---