Allbanaadir.com
NEWS

Xamse oo Ciidanka Danab ee Jubbaland u balan-qaaday..(Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho dhiirigelin iyo bogaadin ah ugu tagay ciidamada kumaandooska Danab ee ka howlgala Jubbaland, kuwaasoo kaalin muhiim ah ka qaadanaya dagaalka ka socda gobolka ee lagu ciribtirayo  Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku  bogaadiyay ciidamada Danab sida ay naftooda ugu hureen difaaca dalka, waxuuna ballan qaaday in dowladdu ay sii wadi doonto taageerada joogtada ah ee ay siiso ciidamada, si ay u helaan qalab iyo tababar casri ah oo ka caawinaya howlgalladooda.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga iyo wadajirka u dhexeeya ciidamada kumaandooska Danab iyo kuwa Jubbaland, si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta oo ka hanaqaada guud ahaan gobollada Jubbaland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku celceliyay ahmiyadda ay leedahay in dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ay ku midoobaan dagaalka ka dhanka ah Al shabaab, si loo gaaro Soomaaliya nabad iyo barwaaqo ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa booqashada ku wehelinayey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Amniga  iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Related posts

Xog cusub oo laga helay weerarkii Xabsiga Dhexe & qorshe uu watay Farmaajo oo fashilmay

Caydiid Ali

War cusub oo ka soo kordhay Maxkamadeynta C/raxmaan C/shakuur

Caydiid Ali

Daawo: Gudoomiyaha degmada Jalalaqsi oo ka hadlay qaraxii uu ka badbaaday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---