Allbanaadir.com
NEWS

Daacish oo sheegatay Masuuliyadda weerar Masjid lagu qaaday

Kooxda  islaamiga ah ee Daacish, ayaa sheegatay masuuliyadda weerar dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo lagu qaaday masaajid ay Shiicada leedahay oo kuyaalla magaalada Muscat ee caasimadda dalka Cumaan.

War ay soo saareen kooxda Daacish ayey ku qirteen masuuliyadda weerarka qorsheysan ee lagu qaaday masaajidka kuyaalla dalka Cuman, waxa ayna Daacish sheegeen in weerarkaasi ku dileen xubno badan oo Shiico ah.

Weerarka lagu qaaday masjidka Imaam Cali  ee Shiicada leedahay ,ayaa sababay geerida lix qof uu ku jiro askari booliis ah, waxaa sidoo kale weerarkaan dhaawacyo kala duwan uu kasoo gaaray 28-qof oo qaarkood xaalad adafg ku jiraan.

Falkan weerarka ah ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo nuuciisa ah oo ka dhaca dalka Cumaan oo kamid ah dalalka ugu xasilloonida badan dalalka Carbeed, waxaana weerarkan dadka ku dhintay kamid ah muwaadiniin u dhalatay dalka Pakistan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sirdoonka Turkiga oo afar qof ka qafaashay gudaha Kenya

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Xaalada Siyaasadeed ee dalka iyo Arimaha Doorashooyinka

Cabdi Cade

Qarax goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---