Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo huwan ah oo isku furay Waddooyin Al Shabaab u xirnaayeen (Sawirro)

Ciidamada Jubaland iyo Ciidamada Xooga dalka ayaa maanta si rasmi ah u furay wadada dheer ee isku xirta Kismaayo iyo Afmadow iyagoo burburiyay gabaadyadii u danbeeyay ee khawaariijtu ay ku lahayd deegaanada gobolka Jubada Hoose ee u dhexeeya Kismaayo iyo Afmadow.

Ciidamada ayaa inta uu howlgalkan socday gaaray deegaanada Lagta Qubbi, Golhadamo, Biibi, Harboole iyo Miido iyadoo Ciidamadu ay kasoo kala bexeen Degmada Afmadow iyo deegaanka Jannaa Cabdalle.

Ciidamada Jubaland oo maalmahii lasoo dhaafay sifayn ku waday jidka dheer ee u dhexeeya Kismaayo iyo Afmadow waxaana wixii hada ka danbeeya si nabadd ah u isticmaali doona dadweynaha.

Dhinaca kale Ciidamada Jubaland ayaa maanta howlgalo ka sameeyay deegaanada Joore iyo deegaanka Weelmaarrow iyadoo dagaaladaas khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyay khawaariijta.

Related posts

Ciidanka xoogga dalka oo weerar xeeladeysan ku qaaday Al Shabaab

Cabdi Cade

Guusha Ra’isul Wasaare Abiy Axmed Maxay Uga Dhigan Tahay Madaxweyne Farmaajo?

Cabdi Cade

Casho Sharaf Muqdisho loogu sameeyay Wafdi ka socda dowlada Eritrea (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---