Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Ciidanka Danab oo soo bandhigay Meydad & hub

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab ayaa howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Kaamjaroon ee gobolka Jubbada Hoose waxay ku dileen xubno badan iyo saraakiil ka tirsanaa Al-shabaab sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiisha hoggaamineysa howlgalka.

Howlgalkaan ayaa sidoo kale waxaa looga soo furtay Al shabaab hub iyo saanad ciidan, iyadoo lagu burburiyey goobihii ay ku sugnaayeen, saraakiisha ayaa soo bandhigay sawirrada meydadka xubnihii lagu dilay weerarka.

Howlgalka oo ahaa mid culus ayaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland waxay dhowr jiho ka weerareen deegaanka Kaamjaroon oo dhinaca koonfur galbeed ka xiga magaalada Kismaayo.

Saraakiisha ayaa intaasi ku daray inay nolosha ku qabteen xubno kale oo ka tirsan kooxda Al-shabaab

“Jab xooggan ayaa gaaray maleeshiyaadka Argagixisada waxaana kooxda la khaarijiyay ku jira horjoogayaal sar sare iyadoo dhinaca kalana ay jireen duqeymo xooggan oo sababay in khasaarahooda uu sii bato” ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha horkacayey howlgalka.

Related posts

(Sawirro) Cali Daahir Ciid iyo Wafdi la socday oo booqashadii ugu horeysay ku yimid Muqdisho

Caydiid Ali

Daawo:-Madaxweyne Qoor Qoor oo afka Furtay kana hadlay waxyaabo badan oo ku saabsan Aas Aaska Galmudug !!

admin

Nabadoon Axmed Jaamac Qalyar oo u geeriyooday Dhaawacii loo geestay

Cabdi Cade