Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo xoojinaya joogitaankiisa Milateri ee Somalia ka dib arrin soo korortay

Mareykanka waxaa laga yaabaa inuu sare u qaado joogitaankiisa militari ee gudaha Soomaaliya, sababo la xiriira horumarada ay sameynayaan kooxda Daacish, sida laga soo xigtay taliyaha howlgalka Mareykanka ee Afrika, Jen. Michael Langley

Taliyaha ayaa hadalkan ka jeediyay kulan looga hadlay ammaanka oo ka dhacay dalka Botswana.

“Waxaan sii wadaynaa xoojinta joogitaankeena Somalia, annaga oo qiimeynaya waxa Daacishta Soomaaliya ay ilaa hadda sameyneyso.” ayuu yiri Taliyaha

Hadalkan ayuu sheegay lix maalin kaddib markii sarkaalkan uu aagga la ilaaliyo ee Xalane oo ku yaalla Muqdisho kula kulmay Madaxweyne Xassan iyo Wasiirkiisa Gaashaandhigga.

Mareykanka oo ay Soomaaliya ka joogaan ku dhowaad 500 oo askari ayaa dhowaan sheegay inay aaminsan yihiin madaxa Daacish ee Soomaaliya inuu noqday hoggaamiyaha guud ee kooxda, taasoo ka dhigaysa goobta ugu muhiimsan ee kooxdan inay noqon karto Soomaaliya, laakiin ma jiraan dagaalyahanno badan oo kooxdan ka jooga gudaha Soomaaliya, waxayna ku sugan yihiin dhul yar oo buuralay ah oo ku dhow magaalada dekedda leh ee Boosaaso.

 

Related posts

Guutada Qassam oo Taangiyo & gaadiid kale ka gubtay milateriga Israel (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Qoor Qoor oo Dhagax dhigay dhismaha xarunta Q/M ee Dhuusomareeb (Sawirro)

Cabdi Cade

Daawo:-Xirada Xalane oo lama galaan noqon rabta kadib Al Shabaab lagu qabtay & Warakii ugu danbeeyay …

admin
Taboola Ads ---