Shariif Xasan oo laga yaabo in uu ka tanaasulo Doorashada  Madaxweynaha Koonfur Galbeed

Warar saacadihii ugu dambeeyay isa soo tarayay ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan uu qorsheenayo saacadaha soo aadan in uu ka tanaasulo in uu u tartamo xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa ku waramaya in Shariif Xasan Sheekh Aadan oo la kulmaya cadaadisyo kala duwan uu qorsheenayo in uu ka tanaasulo in uu mar kale u tartamo Xilka Madaxweynaha.

Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa cadaadis xoogan kala kulmaya dowlada Federaalka Soomaaliya, waxaana magaalada Baydhabo gaaray Musharxiin taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed ka helaya dowlada Federaalka.

Wararka aan heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in Shariif Xasan uu kalsooni ka waayay Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed, waxa uuna fashil kala kulmay Xildhibaano uu la kulmay uu codkooda weediistay.

Doorashada Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu wadaa 17-da bishan in ay ka dhacdo magaalada Baydhabo, waxaana doorashadan loo saadaalinayaa in uu kusoo bixi doono Musharaxa ay taageereyso dowlada Federaalka.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha warkan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -