Hooyo dalbatay in ay aragto wiilkeeda kahor inta aysan dhiman (Sawirro)

Hooyo u dhalatay dalka Ciraaq uu ku dhacay cudurka Kansarka ayaa dalbatay in lagu caawiyo in dalkeeda ku laabato si ay u aragto wiilkeeda oo 8-sano jir ah kahor inta aysan u dhiman cudurka haya.

Arij Altai, oo 38 jir ayaa waxaa haleelay cudurka halista ee Kansarka, waxa ayna hooyadan hada ku sugan tahay dalka Britain ay u tagtay si ay jaamacada Southampton uga diyaariso shahaada PhD ee luqadda iyo suugaanta.

Hooyadan ayaa laga helay cudurka dilaaga ah ee kansarka, waxa ayna dhaqaatiir u sheegeen in maalmo kadib ay u dhiman doonto cudurka Kansarka oo lagu guul dareestay in  laga daweeyo.

“Ma doonayo in aan dhinto hadda ka hor inta aanan arkin wiilkeyda.” ayey tiri Arij Altai iyada oo murugo ay ka muuqato.

Deborah Cornah oo saaxiib la ah hooyadan ayaa sameesay bog qaaraan loogu aruurinayay Arij si loogu fududeeyo in dalkeeda Ciraaq ugu laabato halkaasna kula kulanto wiilkeeda iyo seygeeda.

Arij Altai waxaa hada loo uruuriyay lacag dhan £60,000 si loogu kireeyo diyaarad gaar ah oo u qaaday dalka Ciraaq, waxaana la filayaa in haweeneydan si deg deg ah loogu duuliyo ciraaq si ay u aragto Wiilkeeda Cali.

Dhakhaatiirta ayaa sheegay in haweeneydan Kansarka ku dhacay ay dhiman doonto todobaadyo kadib,  waxa ayna u diyaariyeen duulimaad gaar ah oo 6 saacadood qaadan doona oo lagu gayni doono magaalada Baqdaad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -