Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo arrimo dalkeenna muhiim u ah kala hadlay Keith Hansen

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Nairobi kulan muhiim ah kula qaatay Agaasimaha Bangiga Adduunka u qaabilsan dalalka Soomaaliya, Kenya, Uganda iyo Rwanda Mr. Keith Hansen iyo Wakiilka Xafiiska Soomaaliya ee Bangiga Adduunka Kristina Svensson.

Kulanka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray horumarinta mashaariicda Bangigu ka fuliyo Soomaaliya oo ah kuwo waxtar u keh, Dowladda iyo Bulshada intana.

Sidoo kale kulanka waxaa laga wada hadlay kadib barnaamijkii deyn cafinta, sidii loo balaarin lahaa taageerada uu siiyo Dowladda Soomaaliya, iyo fulinta mashaariic horey bangiga u ballanqaaday.

Bangiga Adduunka ayaa ka mid ah hey’adaha caalamiga ah ee sida joogtada ah u taageera Dowladda Soomaaliya, waxa uuna ku leeyahay mudnaan gaar ah gudaha dalka Soomaaliya.

Related posts

Amar dil ah uu bixiyay Madaxweyne Donlad Trump oo la fuliyay

Cabdi Cade

Guddi ka tirsan Golaha shacabka oo su’aalo xasaasi ah weydiiyey Gudoomiye Cumar Filish (Sawirro)

Caydiid Ali

Amar cusub oo ka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadir

Caydiid Ali