Maamulka G/Banaadir oo bilaabay duminta guryo si sharci daro ah loogu darsaday jidadka (Sawirro)

Maamulka Gobolka Benaadir ayaa maanta oo Jimco ah burburiyay dhismo sharci darro ah oo laga dhex dhisay mid ka mid ah wadooyinka ku yaalla Degmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobalka Benaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa shacabka Magaalada Muqdisho ugu digay in ay dhistaan dhulalka danta guud ee ku yaalla caasimadda.

ā€œShacabka Waaberi ayaa soo dhoweeyey guryo si sharci-daro ah ku darsaday wado oo Maamulka G/Banaadir uu dumiyey. Waqtigii isla-xisaabtan laā€™aanta wuu dhamaadayā€ ayuu yiriĀ Guddoomiyaha Gobalka Benaadir.

Duqa Muqdisho, ayaa waxaa howlgalkaan ku wehlinayey Guddoomiye Ku-xigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobalka Benaadir Mudane Aadan Shiikh Cali Fiidow iyo Guddoomiyaha Degmada Waaberi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -