Waa immisa Mushaharka uu bil walba qaato Raisul Wasaaraha Itoobiya?

Raisul Wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Axmed Cali  ayaa shaaciyey lacagta uu bil kasta u qaato mushahar ahaan iyo xiliyada uu shaqeeyo.

Abiy Axmed ayaa sheegay inuu todobaadka oo dhan joogo xafiiskiisa xitaa marka lagu daro maalinta fasaxa ah isagoo xusay inuu bishiiba mushahar ahaan u qaato $300 oo Dollarka Maraykanka ah.

Hadalkaasi ayuu ka sheegay Qasriga Menelik Palace ee Addis Ababa, xilli uu wareysi siinayey Wargeyska The African Exponent.

Sidoo kale waxaa uu xusay inuu inuu xafiiska RW joogi doono labo Xilli doorasho, kadina uu ka fariisin doono talada dalka Itoobiya si fursad loo siiyo madaxda kale ee dooneysa iney xilkaas qabtaan.

“Iskuma dhejin doono hogaanka dalka sida Madaxweynayaasha Sudan iyo Uganda ee muddada dheer haya talada labadaasi dal intii lagu nici lahaa waxaa wanaagsan adigoo lagu jecel yahay inaad xafiiska baneyso” ayuu yiri Abiy.

Muddo 20 sanno ah ayuu sheegay inuu halgan ugu jiray sidii dalkiisa loogu soo dabaali lahaa Dimuqraadiyad sax ah, wuxuuna ku faanay inuu yahay hoggaamiyihii ugu horeeyey ee booqasho kormeer ah ku soo mara kala-bar magaaloyinka dalkiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -