Allbanaadir.com
NEWS

Dilal kala duwan oo galabta iyo caawa ka dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho

Nin ganacsade ah oo dukaan carwo ah ku lahaa Suuqa Sei biyaano oo ku yaalla degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa galabta lagu dilay Toorey.

Dilkan ayaa yimid ka dib khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabar dukaan ku dhagan milkiile ka ah.

“Walaalkeed iyo gabadhii dukaanka laheyd oo isla socda ayaa dagaal ku billaabay ganacsadihii carwada lahaa, waxayna ugu danbeyn ku dileen Mindi” ayuu yiri goob jooge halkaas ku sugnaa

Laamaha amaanka ee Dowladda ayaa labada eedaysane ee falkaan gurracan geystay gacanta ku dhigay, waxaana loo taxaabay xabsiga.

Sidoo kale,  kooxo burcad ah ayaa caawa xaafada Siinaay ee degmada Boondheere ku dilay nin dhalinyaro ah oo ay ka dhacayeen telefonkiisa mobile ah sida ay sheegeen dad goob joogaayaal, burcadii dilka geysatay ayaana ka baxsaday goobta.

Related posts

Ciidanka NISA oo Muqdisho ku qabtay Xubin katirsan Daacishta Soomaaliya

Cabdi Cade

Dowlada oo Labo shuruud ku xirtay Banaan baxa Sabtida ee Farmaajo looga soo horjeedo

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo sii dheereestay Safarka uu ku joogo Qatar iyo Sababta ka dambeysa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---