Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xildhibaanada Baarlamanka Somalia oo dood kulul ka yeeshay qodob xasaasi ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa  shir guddoomiyay Kalfadhiga 4-aad kulankiisa  16-aad oo ajandihiisu ahaa dhameystirka ka-doodista arrimaha siyaasadda iyo go’aamada masiiriga ah ee dalka.

Kulanka waxaa goob joog ah ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Xildhibaannada Golaha Shacabka BJFS oo maanta ka dooday arrimaha masiiriga ah ee dalka, oo ay ugu horreeyaan arrimaha dib eegista Dastuurka KMG oo habraaciisa la ansixiyay, waxayna Xildhibaannadu falanqeeyeen isla xisaabtanka Hay’adaha Dowladda iyo in la ilaaliyo matalaada shacabka, iyagoona si wadajir ah u tilmaamay in la xoojiyo arrimaha dib u heshiisiinta si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka shacabka & dhulka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha oo gunnaanadka kulanka soo xiray ayaa Xildhibaannada uga mahadceliyay doodooda arrimaha siyaasadda iyo go’aamada masiiriga ah ee dalka, waxaana uu sheegay in la soo magacaabi doono guddi soo kooba, kana soo shaqeeya nuxurka doodii socotay labadii kulan ee ugu dambeysay.

Related posts

Turkigu Sidee buu Ugu Guuleystay Qalbiga iyo Maskaxda Soomaalida !?

Cabdi Cade

Meydadka sadex nin oo saakay lagu arkay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

(Sawirro) Madaxweyne Biixi iyo wafdigii uu horkacayey oo gaaray dalka Maraykanka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---