Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland oo hal shardi oo adag ku xirtay Itoobiya kahor dhaqan-galka heshiiskii ay gaareen

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa heshiis muran badan iyo carro dhaliyay kuwada gaaray magaalada Adis Ababa ee caasimadda Itoobiya.

Heshiiska labada dhinac gaareen ayaa dhigayay in maamulka Somaliland Itoobiya ku wareejiyo 20-KM oo kamid ah biyaha Soomaaliya , halka Itoobiya dhankeedana laga doonayo in maamulka Somaliland u aqoonsato dowlad rasmi ah.

Wasiirka arrimaha dibedda maamulka Somaliland, Ciise Kayd oo la hadlay wargeysa The Guardian ee kasoo baxa dalka Ingiriiska ayaa sheegay in heshiiska ay la galeen Itoobiya hir-gelintiisu ku xiran yahay ku xiran yahay dhankooda.

Waxa uu sheegay wasiirka in heshiiska ay la galeen Ra’isul Wasaare Abiy Axmed uusan dhaqan-geli doonin ilaa Itoobiya ay ka aqoonsanayso maamulka Somaliland, waxa uuna xusay in dhankooda fulin doonaan heshiiska marka la aqoonsado.

‘Heshiiska waxa uu dhaqan-geli doonaan marka Itoobiya horta na aqoonsato ,Itoobiya waxay u baahantahay bad, annagana waxaan dooneynaa aqoonsi’, ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.

Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn uga soo horjeesatay heshiis beenaadka Adis Ababa lagu saxiixay, waxaa sidoo kale heshiiskaasi kahor-yimid qaar kamid ah waddamada Caalamka oo Itoobiya ku eedeyay xad-gud ka dhan ah Qarannimada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo bur buriyay diyaarad sahay iyo qalab u siday kooxda PMC Wagner

Cabdi Cade

Nin 10 sano oo xabsi ah & ganaax ku muteystay hadal uu ku qoray baraha bulshada

Caydiid Ali

Madaxweyne Muuse Biixi oo shaaciyay Danta Itoobiya ugu jirto heshiiskii ay la galeen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---