Allbanaadir.com
NEWS

Mid kamid ah dowladaha Yurub ugu weyn oo taageertay heshiiska DFS iyo Somaliland

Dowladda UK ayaa soo dhaweysay qodobadii ka soo baxay shirkii dalka Jabuuti ugu soo geba gaboobay DFS iyo Somaliland, kaas oo dhinacyadu isku raaceen in si dhab ah loo ambaqaado Wadahadalladii labada dhinac.

Shirka labada dhinac u dhaxeeyay ayaana gabo gabadiisa laga soo saaray war-murtiyeed lagu cadeeyay qodabadii ay ku heshiiyeen dowladad Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ay kamid tahay in horey loo sii wado wadahadalada lana fuliyo heshiisyadii hore.

“Waxaan soo dhaweynaa War-murtiyeedka ka soo baxay Wadahadalladii muhiimka ahaa ee u dhexeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Muuse Biixi kaas oo ka dhacay dalka Jabuuti” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Safaaradda  Britain ee Soomaaliya .

Dowladda Ingiriiska ayaa kamid ah dowladaha horey u marti galiyay wadahadalada u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, waxaana la filayaa in wadahadalan dib u bilowday kasoo baxaan natiijooyin wax ku ool ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Itoobiya oo war lala fajacay ka soo saaray shidaalka laga helay degaanka Soomaalida

Caydiid Ali

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Danjire Cali Cagabaruur (Sawirro)

Caydiid Ali

Wararkii u dambeeyey dagaalka Ukriane & Madaxweyne Zelensky oo eedeeyey NATO

Caydiid Ali
Taboola Ads ---